Militariga Suudaan oo Ku Dhawaaqay, inay Maleeshiyaadka Taageerada Degdegga ah kala Wareegeen Deegaan Istaraatiiji ah oo Dhaca Galbeedka Dalkaas.

16
0

Maamulka gobolka Daarfur ee dalka Suudaan ayaa ku dhawaaqay, in ciidamadooda la wareegeen gacan ku haynta deegaanka istaraatiiji ah oo ay maamulayeen ciidamada Taageerada Degdegga ee ku sugan gobolka Waqooyiga Daarfuur ee galbeedka Suudaan.

Guddoomiyaha gobolka Daarfuur ninka lagu magacaabo Minni Arko Minawi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebookgalabnimadii shalay ku sheegay, in militarigooda ay ciidamada Dacmu Sariic kala wareegeen deegaan lagu magacaabo Cadhruun, oo uu sheegay inuu aad istaraatiiji u yahay, iyadoo aysan jirin wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka ciidamada Taageerada Degdega ah ee ku aadan hadalka guddoomiyaha gobolka Daarfuur.

Deegaanka  Cadhruun ayaa dhaca goob istaraatiiji ah, oo ku taalla saxaraha gobolka Waqooyiga Daarfuur, waxaana marto waddo muhiim ah oo isku xirta gobolka Shimaaliyyah iyo Waqooyiga Daarfuur ee dalka Suudaan, waddadaas oo ku sii jeedda dhanka xudduudda afargeeska ah ee kulmisa dalalka Suudaan, Masar, Liibiya iyo Jaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here