Warar ayaa laga helayaa hawlagallo abaabulan oo ay militariga xarakada Al-Shabaab ku qaadeen fariisimaha maleshiyaadka maamulka Konfur Galbeed ay ku leeyihiin gobalka Baay.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa habeenkii Xalay dagaal culus ku qaaday xerada ciidamada Konfur Galbeed ee xero kowaad ee ku taalla degmada Diinsoor.
Sidoo kale waxey Mujaahidiintu xalay weerareen saldhiga maleshiyaadka ee isla maamulkaas, kaas oo ku yaalla halka loo yaqaano Makuudo oo dhacda duleedka magaalada Baydhabo.