Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay weeraro ku qaaday, xerada askarta Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ee degmada Xudur ee gobalka Bakool.
Jubadda Hoose:
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sidoo kale xalay weerar culus ku qaaday saldhigga askarta shisheeye ee Kenya kaga sugan yihiin degaanka Taabto ee Jubada-hoose.
Isla jubada hoose, millitariga xarakada Alshabaab ayaa habeenkii xalay weerar ku miray, xerada askarta maamulka Jubbaland ay ku leeyihiin degaanka Baar-sanguuni ee dhaca duleedka magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada-hoose.
Baay:
Dhanka kale, millitariga Alshabaab ayaa xalay weear culus ku qaaday saldhigga askarta Xabashida Itoobiya ay ku leeyihiin degmada Diinsoor ee gobalka Baay.
Shabeelada Hoose:
Millitariga xarakada Alshabaab ayaa weerar xooggan ku qaaday xerada askarta DF ay ku leeyihiin buundada degaanka Bariire ee gobolka Sh-hoose,