Ciidamada millitariga Xarakada Al-Shabaab ayaa haneenkii xalay dagaallo cusul oo saf ballaaran ah ku qaaday xerooyin ay deggan yihiin ciidamada shisheeye ee ATMIS iyo kuwa dawladda federaalka Soomaaliya.
Weeraradaan oo xalay lagu miray ciidamada shisheeye gaar ahaan kuwa Yugaandha iyo ciidamada DF ayaa ka dhacay xeryaha ay ku leeyihiin gobolka Shabeellaha hoose, gaar ahaan:
1-Xerada ciidamada Yugaandha ee gegida dayuuradaha ee degmada Baraawe.
2-Xerada Yugaandha ee Buur colow oo hoos-tagta degmada Baraawe.
3-Xerada Yugaandha iyo Saldhigga ciidamada DF ee Ambareeso.
4-Xerada ciidamada Yugaandha ee degmada Buulo Mareer.
5-Xerada ciidamada Yugaandha iyo saldhigga ciidamada DF ee Jannaale.
Jugta hubka noocyadiisa kala duwan ayaa laga maqlaayay deggaanno ka fog goobaha uu dagaalka ka socday. Balse weli ma aanaan helin faah-faahinta khasaaraha gaadhay ciidamada Uganda iyo kuwa dowlada federaalka Soomaaliya.
Howlgalladaan millitari ayaa ku biiraya weerarada habeen iyo dharaarba ka socda dalka Soomaaliya ee xarakada Alshabaab ay ku dhiig-bixinayso ciidamada shisheeye ee Soo-duulayaasha ATMIS iyo kuwa dowlada ee la socda shisheeyaha.