Milliteriga Xarakada Alshabaab Oo Weeraro Ka Fuliyay Goballada Gedo Bakool iyo Mandheera.

9
0

Gobolka Gedo:

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka howlgala gobalka Gedo, waxay habeenkii xalay waxay weerar ku qaadeen, xero ay askarta DF ku leeyihiin degmo katirsan gobalkaas.

Weerarka ayaa lala beegsaday halka loo yaqaanno xero koowaad ee ay askarta DF ay ku leeyihiin degmada Luuq ee gobalka Gedo.

Gobalka Bakool:

Militeriga Xarakada Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xerada askarta Xabashida Itoobiya ku leeyihiin degmada Xudur Bakool.

Dagaal mudo socday ayaa qabsaday ciidanka Xabashida ee duullaanka ku jooga degmada Xudur, illaa iyo hadda ma aanan helin tafaasiil ku aaddan khasaaraha la gaarsiiyay Xabashida weerarka lagu qaaday.

Gobolka Mandheera:

Ugu dambeyn ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka howlgala gobolada NFD ayaa weerar ku qaaday, xero maleeshiyaad ay taba baratay Dowladda Kenya ku leeyihiin deegaanka Dhasame ee hoostaga Magaalada Lafeey ee gobalka Mandheera kuna hoos jira gumeysiga Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here