Mucaaradka Suuriya oo ku Dhawaaqay inay la Wareegeen Guud ahaan Baadiyaha Galbeedka Magaalada Xalab.

15
0

Mucaaradka hubeysan ee Suuriya ayaa ku dhawaaqay, inay qabsadeen guud ahaan baadiyaha galbeedka Xalab, kaddib dagaallo ba’an oo ay la galeen ciidamada Nusayriyada ee Suuriya oo sababay dhimashada tobonaan qof oo Labada dhinac ah, taas oo keentay in ay go’ado waddada caalamiga ah ee gasha magaalada Dimishiq.

Subaxnimadii Arbacada, mucaaradka hubaysan ayaa bilaabay hawlgal militari oo weyn, kaas oo ay ugu magic dareeen “ka hortagga gardarrada”, waxayna sheegeen inuu ku yimi, weerar la filayo inay ciidamada nidaamka iyo xulafadoodu ku qaadaan fariisimaha ay kooxaha mucaaradka ah ku leeyihiin baadiyaha Xalab, Idlib iyo waqooyi-galbeed ee Suuriya.

Dhanka kale, Wasaaradda Difaaca ee Suuriya ayaa sheegtay in ciidankoodu ay dagaalkan la kaashanayaan dawlada Ruushka iyo ciidamo kale oo ay xulufo yihiin, kuwaas oo ay garab buuxa ka helayaan.

Gaashaanle Dhexe, Hassan Abdul Ghani oo ah afhayeenka waaxda hawlgallada milatari ee mucaaradka hubaysan ayaa war qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa X subaxnimadii hore ee manta kusheegay, in ciidamadoodu ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta galbeedka Xalab, kaddib dagaalo ba’an oo ay la galeen ciidamada Nusayriyada Suuriya oo socday muddo 36 saacadood ah.

Abdul Ghani ayaa intaa ku daray in xoogaga mucaaradka ay xoreeyeen magaalada istaraatiijiga ah ee Kafr Xalab, ee ku taalla galbeedka magaalada Xalab, waxayna waaxda howlgallada milateri ay ku dhawaaqeen gacan ku haynta goobaha istiraatiijiga ah ee baadiyaha koonfur bari ee Idlib.

Weerarka ay qaadeen kooxaha mucaaradka Suuriya ayaa ah kii ugu ballaarnaa tan iyo bishii March ee sanadkii 2020-kii, waxaana ka hor la gaaray heshiis lagu joojinayo dagaalka oo ay garwadeen ka ahaayeen Turkiga, Ruushka iyo Iran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here