Mudaharaadyo ay ka qayb Qaateen Boqolaal Kun oo Shacab ah oo ka Dhacay Dalka Jarmalka.

18
0

Magaalada Berlin ee caasimada dalka Jarmalka waxaa shalay oo Axad ahayd ka dhacay banaanbax ay dhigayaan boqolaal kun oo qof oo looga soo horjeeday isbahaysiga garabka midigta-fog, dadka ka qayb galay mudaharaadkan ayaa lagu qiyaasay 160 Kun.

Xisbiyada ka jira dalka Jarmalka ayaa caado ahaan diiddan wax wada shaqayn ah oo heer qaran ah oo la xiriira kooxaha midigta fog, qaar ka mid ah mudaaharaadayaasha ayaa ku dhawaaqayay erayo ay ka mid yihiin “Shame on the Christian Democratic Union” ka hor inta aysan u gudbin xarunta dhexe ee xisbiga kaddib markii ay ka soo kicitimeen afaafka hore ee dhismaha baarlamaanka Jarmalka.

Mudahaaradaashan ayaa xisbiga Christian Democratic Union, ku eedeeyay inay hishees lagaleen waxa ay ugu yeereen xisbiga shaydaanka iyagoo taageero ka raadinaya xisbiga midigta fog ee Alternative, si ay u meel mariyaan sharciga ka dhanka ah soogalootiga.

Hogaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz ayaa soo dhaweeyay fariinta ay soo direen “boqolaalka kun ee mudaharaadayasha ah ee ku nool dalka oo dhan” kaas oo hadalkiisa ku sheegay qoraal uu soo dhigay  bartiisa “X” . wuxuuna intaas sii raaciyay “Ma jirto iskaashi lala yeesho midigta fog.”

Mudahaaradyadan oo ku fiday inta badan magaalooyinka waawayn ee dalka ayaa doraad  Sabtidii waxay ka dhaceen  magaalooyinka waaweyn ee Jarmalka, sida Hamburg, Leipzig, Cologne iyo Stuttgart, iyadoo ay kasoo qayb galeen in ka badan 220 kun oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here