Guutada Al-Qassam ayaa sheegtay, in ay beegsadeen markab ay leeyihiin ciidamada Yahuudda iyo taangi Merkava ah oo marayay meel u dhow Isgoyska Jaamacadda ee xaafadda Al-Geneina ee Bariga magaalada Rafah oo dhacda Koonfurta marinka Gaza.
Guutada Al-Qassam ayaa sidoo kale baahisay muuqaallo ay ku sheegtay, in ay ku bartilmaameedsanayeen baabuur ay la socdeen ciidamada gumaystaha, taas oo qayb ka aheed Labo kamiin oo ay ka fuliyeen xaafadda Al-Geneina, ee Bariga magaalada Rafah.
Guutada Al-Qudus ayaa dhankeeda baahisay sawirro ay ku sheegtay, in dagaalyahanadooda ay isku dhaceen askar iyo gaadiid dagaal ee cadawga oo ku sugnaa bartamaha xerada qaxootiga ah ee Jabalia oo dhacda Waqooyiga marinka Gaza.
Ciidanka guumaysiga ayaa sii wada dagaalka ka dhanka ah Gaza tan iyo 7-dii Oktoobar ee sanadka 2023-ka, waxaana ka dhashay dhimashada tobanaan kun iyo dhaawaca kuwo kale, iyadoo lala qabo xaalad bini’aadantinimo iyo macaluusha ka sii daraysa oo ka jirto Marinkaas la go’doomiyay.