Guutooyinka Al-Qassam, oo ah garabka milatari ee dhaqdhaqaaqa iska caabinta Islaamiga ah ee Xamaas, ayaa ku dhawaaqay, in dagaalyahannadooda ku sugan xerada Jabalia ee Waqooyiga Marinka Gaza ay usuurta gashay inay toogtaan Labo askari oo ka tirsan ciidamada Yahuudda oo ku sugan aagga “Block Two”.
Waxa ay sidoo kale bartilmaansadeen Labo cagaf-cagaf oo ah nooca D-9 iyo gaari nooca dagaalka ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaas oo ku sugnaa Galbeedka xerada, una dhow qabuuraha Falluuja. Koonfurta magaalada Gaza, Al-Qassam waxa ay ku dhawaaqay, in gantaalaha Rajum iyo sawaariikhda 107, ay ku garaacday gooba ay ciidamada gumaystaha kaga sugnaayeen deegaanka Netzarim.
Dhanka kale, guutada Al-Qudus ee garabka melleteriga ee Xarakada Jihaad Islaami ayaa baahisay muuqaallo muujinaya dagaalyahanadooda oo kaashanaya guutooyinka Al-Qasaam oo madaafiic ku garaacay xarunta taliska ciidamada gumaystaha ee Netzarim.
Waxaa xusid mudan, in Yahuudda oo taageero ka helaysa Maraykanka ay tan iyo 7-dii October 2023-ka xasuuq ka wado marinka Gaza, kaas oo ay ku shahiideen kuna dhaawacmeen Kumanaan Falastiiniyiin ah, oo u badan carruur iyo haween, halka kooxa muqaawamada ay dhagta dhiiga udareen Kumanaan ka tirsan ciidamada gumaystaha, waxaana intaas dheer in laga gubay gawaari dagaal oo aad ufara badan.