Muqaawamada Falastiin oo ku Dhawaaqday, in ay Qarxiyeen Guri ay ku Jireen Askarta Yahuudda oo ku Yaalla Marinka Ghaza.

20
0

Muqaawamada Falastiin ayaa shalay oo Axad ahayd ku dhawaaqday, in ay qarxiyeen guri ay ku dhuumalaysanayeen ciidamada Yahuudda oo ku yaalla bariga magaalada Rafax ee koonfurta marinka Ghaza, halkaas oo ay ku jireen askar rabtay inay dhibaatayso dadka shacabka ah ee ku nool magaaladaas.

Muqaawamada ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay, in dagaalyahanadooda ay ku guulaysteen in ay qarxiyaan guri horay loogu sii diyaariyay ciidamo gaar ah oo ka tirsan Sahaayinada Yahuudda, kuwaas oo gudaha u galay deegaanka Abu al-Ruus ee bariga magaalada Rafah, waxayna xaqiijiyeen, in askartii la weeraray ay u qaysameen dhimasho iyo dhaawac.

Si kastaba ha ahaatee, weerarkaan ayaa kusoo beegmayo xilli ay Yahuudda gabood falla baahsan ka geysanayso marinka go’doonsan ee Ghaza, iyadoo saacadihii lasoo dhaafay soo saartay awaamiir si qasab ah loogu barakicinaya dadka ku nool deegaanada kala ah: Bayt Lahiyah, Bayt Xanuun, iyo Jabaliya, iyo sidoo kale guud ahaan magaalada Rafah iyo qeybo kamid ah Khan Yuunis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here