Muqaawamada Falastiin oo Wareejiyay 3 maxbuus oo Yahuud ah.

25
0

Hawsha lagu soo wareejinayo 3 maxbuus oo Yahuuddi ah oo ay gacanta ku hayeen muqaawamada Falastiin ayaa ka billaabatay marinka Gaza, kuwaas oo lagu soo furan doona 183 maxbuus oo falastiiniyiin ah, taasoo qayb ka ah qaybtii afraad ee maxaabiis isdhaafsiga ee marxaladdda koowaad ee heshiiska xabbad joojinta marinka Gaza.

Al-Qassam ayaa maxaabiista kala ah Yarden Bibaas iyo Ofer Calderon ku wareejiyay hay’adda saliibka guduudan ee loo yaqaanno Laanqayrta Cas kadib xalfad heer sare ah oo ka dhacday gudaha Khan Yuunis.

Weriyaha Aljazeera ayaa sheegay, in baabuurta Laanqayrta Cas ay labada maxbuus u qaadeen goobta ugu dhow ee ciidanka Yahuudda ee agagaarka dhidibka Netzarim. Wariyaha Aljazeera ayaa sheegay in boqolaal katirsan dagaalyahanada. Halka maxbuus Keith Schmonsel Segal oo heysta dhalashada Mareykanka laga wareejiyay degadda magaalada Gaza.

Dagaalyahanada Al-Qassam ayaa saaka la soo dhoobay Khan Yuunis iyo dekedda magaalada Gaza si ay ugu diyaar garoobaan sii deynta maxaabiista Sahaayinada. Intii ay socotay howsha wareejinta ayaa waxaa lasoo bandhigay sawirada hogaamiyayaashii Qassam ee ku shahiiday dagaaladii ay ciidamada Yahuudda kula galeen marinka Gaza.

Shalay oo Jimce ahayd, afhayeenka ciidamada Qassam, Abu Cubeyda, ayaa ku dhawaaqay magacyada saddexda maxbuus ee lagu wareejinayo dufcaddan, kuwaas oo kala ah Ofer Calderon, Keith Shmonsel Segal, iyo Yarden Bibas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here