Muqaawamada Falastiiniyiinta iyo Maamulka Yahuuudda oo Aqbalay Xabbad-joojin 60 Maalmood ah si loo Hakiyo Dagaalka Ka Socda Marinka Gazza.

11
0

Wararka ka imaanaya Marinka go’adoonsan ee Qazza ayaa sheegaya, in Muqaawamada Falastiiniyiinta iyo Maamulka Yahuuddu wada gaareen heshiis xabad-joojin ah oo soconaya 60 maalmood, sida ay sheegeen ilo-warbaahineed oo caalami ah.

Xabad-joojintan oo la filayo in ay bilaabato kaddib marka labada dhinac ay qalinka ku duugaan ayaa inta lagu guda jiro waxay labada dhinac is waydaarsan doonaan maxaabiis iyo maydadka askar Yahuudd ah oo lagu dilay dagaalada Qazza.

Heshiiskan oo noqonaya midkii labaad oo noociisa ah oo ay labada dhinac isku waafaqaan in dagaalka lagu hakiyo ayaa muqaawamada Falastiiniyiinta mar kale u ah guul taariikhiya, kuwaas oo kayaanka Sahaayinada ku jabiyay duulaan gardaro ah oo ay marinka Qazza ku hayeen 600 oo maalmood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here