Guutooyinka Al-Qassam, garabka milateri ee ururka Xamas ayaa sheegtay, inay burburiyeen tiro badan oo kamida Taangiyada iyo gawaarida gaashaaman ee gumaystaha Yahuudda ee ku sugnaa Waqooyiga marinka Qaza. kaddib markii dagaalyahanada muqqawamadu beegsadeen 110 gaari oo iskugu jira taangiyada dagaalka iyo gawaarida gaashaaman, 52 maalmood gudahood.
Muqaawamada Falastiiniyiinta ayaa tan iyo shantii bishii Oktoobar ee ina dhaaftay, dagaal ba’an kula jiray ciidamada Yahuudda ee ku sugan waqooyiga Marinka Qaza, inkastoo ay Yahuuddu ku haysay go’doomin iyo duqeymo bahalnimo ah, kuwaas oo dadka shacabka ah kula kacayay xasuuqyo joogto ah, hadana muqaawamadu waxay ku guulaysteen inay awoodii ciidamada Gumaystaha daciifiyaan.
Ayadoo laga ambaqaadayo bayaanaadka ay soo saarayaan kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta, gaar ahaan guutada Al-Qassam, waxay shabakada Al-Jaziira baaritaan ku samaysay tan iyo markii uu billowday howlgallada ciidamada Yahuuddu ku qaadeen waqooyiga Marinka Qaza, shabakada Al-Jaziira waxay sheegtay, in guutada Al-Qassam ay beegsatay 54 taangiyada Markava ah, 27 gawaarida xamuulka ah, 26 cagaf-cagaf milateri ah nooca (D9) iyo 3 gawaarida Hummer jeeps ah.
Sida laga soo xigtay xogta Al-Qassam, dagaalyahanadoodu waxay qaadeen 40 weerar oo ay ku beegsadeen gaadiidka ciidanka Yahuudda, kuwaas oo lagu beegsaday gantaalka “Al-Yassin 105”, 39 weerar oo loo adeeegsaday walxaha qarxa, iyo 13 weerar oo loo adeegsaday madaafiicda loo yaqaano Tandom.
Goobaha lagu kala beegsaday gaadiidkan dagaal ee Yahuudda laga burburiyay waxaa kamida xerada Jabalia, Beit Lahia, Beit Hanoun, aagga Al-Tawam, Tal Al-Zaatar, Al-Faluga, isgoyska Al-Saftaawi, Deegaanka Al- Hawoz Al-Turki, xaafadda Al-Qasasib, qabuuraha bari ee magaalada Qaza, deegaanka Al-Khazandar, Al-Atatra, iyo xaafadda Sheekh Radwaan.
Shantii bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, ciidamada Sahaayinada ayaa bilaabay duullaan dhulka ah oo ay taageerayaan Diyaaradaha Sahaayinada, kaas oo ay ku qaadeen waqooyiga Marinka Qaza, iyagoo ku marmarsiyoonaya inay ka hortagayaan in muqaawamada Falastiiniyiintu ay dib isusoo abaabulaan si ay usoo ceshadaan awoodoodii, halka Falastiiniyiintu ay sheegeen in Yahuuddu ay doonayso inay qabsato waqooyiga Marinka Qaza. oo ay ka dhigtaan aag difaac, kaddib markii ay barakiciyeen dadkii degganaa.