Guutada Al-Qassam, oo ah garabka milatari ee dhaqdhaqaaqa wax iska caabinta Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa sheegtay, in mid ka mid ah dagaalyahanadooda ay u suurtagashay – saaka oo Khamiis ah – in uu toorey ku dilo sarkaal Yahuuddi ah iyo saddex askari oo ka tirsanaa ciidamada gumaystaha ee ku sugnaa xerada qaxootiga Jabalia ee waqooyiga Marinka Qaza.
Bayaan ay soo saartay muqaawamadu oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu faahfahiyay qaabka loo dilay Sarkaalkan Yahuuddka ah iyo Askartii la socotay, kaddibna dagaalyahanka dillay ayaa la wareegay dhamaan wixii ay hub wateen afartan askari ee ka tirsanaa ciidamada Sahaayinada.
Howlgalkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo noociisa oo kale ah oo ka dhaca Marinka Qaza, tan iyo markii uu bilowday dagaalka duufaanta Al-Aqza, waxayna ku tusinaysaa naf hurka ay samaynayaan xooggaga wax iska caabinta Falastiiniyiinta ee ka dagaalama Jiida Qaza.
Dhanka kale guutada Al-Qudus oo ah garabka melleteriga ee Xarakada Jihaad Islaami ayaa ku dhawaaqday, in ay gacanta ku dhigeen Shan diyaaradood oo ay leedahay Yahuuddu xilli ay howlo sirdoon ah ka wadeen hawada sare ee magaalada Khan Yuunis.