Guutooyinka Al-Qudus ee ku sugan magaalada Tulkarm, ee waqooyi-galbeed kaga beegan Daanta Galbeed ee la haysto ayaa sheegay, in dagaalyahannadooda ay qaadeen hawlgallo fariid ah subaxnimadii Khamiista, hawlgalladaas oo ka dhan ahaa ciidamada guumaystaha Yahuudda, kuwaas oo sii wada duullaanka ay ku hayaan deegaanno kala duwan oo ka tirsan Daanta Galbeed.
Guutada ayaa sheegtay, in dagaalyahanadooda ay qarxiyeen gaari ay wateen ciidamada Sahaayinada oo marayay deegaanka Jabal al-Nasr oo ka tirsan xerada Nuur Shams, waxa ayna sidoo kale rasaas ku fureen ciidamo gaar ah oo ka tirsan ciidamada Yahuudda, kuwaas oo gudaha u galayay deegaanka.
Sidoo kale gelinkii hore ee maanta, ilo-wareedyo ayaa Aljazeera u sheegay, in ciidammada gumaysigu ay xoog ku galeen magaalada Idhna oo galbeed ka xigta magaalada A-Khaliil, oo ku taalla koonfurta daanta galbeed.
Wararka ka imaanaya magaalada Ramallah ee daanta galbeed ee dhulka Falastiin ayaa sheegaya, in ciidamada gumeysiga ay si xun ugu garaaceen iridka magaalada Sinjil labo wiil oo dhalinyaro ah oo kasoo jeeda magaalada Al-Sawiya, kadibna waxaa loo gudbiyay xarunta gurmadka deg dega ah ee magaaladaasi si loogu daweeyo.