Muqawamada Falastiiniyiinta oo Cambaaraysay Weerarada ay Yahuudu ku Beegsanayaan Xarumaha Lagu Kaydiyo Hubka ee ku Yaalla Suuriya.

11
0

Ururka jihaad Al-Islaami ayaa dhaleeceeyay gardarrada Yahuuddu ku hayso dalka Suuriya, waxayna ku nuuxnuuxsadeen in arintan hada ka socota Golan ay tahay, xad-gudub cad oo lagu qaaday dadka Suuriya, ayagoo doonaya inay ka dhabeeyaan damacoodii dhul balaariska ahaa.

Bayaanka ay soo saareen wax iska caabinta Falastiiniyiinta  ayaa intaa ku daray, in ay canbaraynayaan weeraradii is xigxigay ee ay Yahuuddu ka fuliyeen magaalada Dimishiq iyo goobo badan oo kamida dalkaas, kaas oo lagu beegsanayo xarumaha lagu kaydiyo hubka kiimikada ah.

Dhinaca kale Chanalka 13 ee Yahuudda ayaa sheegay, in ay ciidamadoodu sii wadi doonaan beegsiga ay ku hayaan xarumaha ku yaalla dalka Suuriya ee lagu kaydiyo hubka kiimikada ah, ayagoo sheegaya inay ka cabsi qabaan in ay u gacan galaan kooxaha mucaaradka.

Wasiirka difaaca Yahuudda ninka lagu magacaabo Katz ayaa goor sii horeysay la hadlay warbaahinta, isagoo sheegay in ciidamada Yahuudda ah ee la geeyay aaga difaaca ah ee buuraha Golan Heights ay kormeeri doonaan  Qaramada Midoobay, taas oo lagu doonayo in lagu ilaaliyo bad qabka dadka Yahuudda ah ee ku sugan halkaas.

Kaddib burburkii nidaamkii Nusayriga ahaa  ee Bishaar Al-Asad, waxaa isasoo taraya weerarada ay Yahuuddu ka fulinayan gudaha Suuriya, dhanka kalana waxay Yahuuddu ciidan badan ku daabuleen buuraha Golan Heigts oo ah mandiqad ay horay uga qabsadeen dalka Suuriya, ayagoo ka cabsi qaba in kooxaha mucaradka ah ee Suniyiintu ay kasoo talaabaan buuraha Golan, dib na u qabsadaan dhulkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here