Mustafa Sheekh Dhuxuloow oo kamid ah xilldhibaanada dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in DF aysan fahmin dagaalka Xarakada Al-Shabaab iyo sida ay tahay in loo waajaho.
Isagoo ka hadlayay meel madal ah ayaa waxa uu hoosta ka xarriiqay inaan wax natiijo ah oo la taaban karo laga gaarin mudada labada sano ah ee ay socdeen dagaalada u dhaxeeya Al-Shabaab iyo DF.
Dhuxulow ayaa fashilka dowladda u sababeeyay dagaalka oo ah mid uu wado hal nin oo uu ula jeedo Xasan Sheekh madaxweynaha Villa Soomaaliya.
Mar uu ka hadlayay waxa keenay in dadka Soomaaliyeed in badan ay Al-Shabaab la saftaan ayaa waxa uu tilmaamay in ay meesha ka baxday cadaaladda, dowladduna qeyb ka noqotay iney tartamaan islaamiyiinta dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.