Iyadoo la filayo in maanta oo Talaado ah uu Ahmed Asharci booqasho ku tago dalka Turkiga, ayaa waxaa su’aalo badan la iska weydiinayaa danaha uu kala hadli doono dhiggiisa Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, wadahadal kaas oo ka dhacaya magaalada Ankara, ayaa noqonaya Booqashadii labaad ee Ahmed Asharci ku tago dalka dibadiisa kadib tagi taankiisii boqortooyada Sacuudiga.
Haddaba socdaalkan muxuu soo kordhin doonaa, gaar ahaan maadaama ay ku soo beegantay xilli dalka Suuriya laga dareemayo horumarro waaweyn oo la xiriira dhismaha ciidamada cusub iyo habaynta marxaladda kala guurka ah, taasoo ay dalalka Carabta iyo kuwa reer galbeedka iyo hay’adaha caalamiga ah dalbanayaan inay ka qayb qaataan.
Falanqeeyaha iyo cilmi-baaraha Mahmoud Alloush oo arrintan ka hadlaya ayaa yiri, “Booqashadani waxa ay ka tarjumaysaa muhiimadda uu Turkigu siinayo xiriirka qotoda dheer ee uu la leeyahay shacabka Suuriya, maadaama isbeddelka Suuriya uu fursad siinayo in la sameeyo xiriir isbahaysi oo istiraatijiyadeed oo u dhexeeya Ankara iyo Dimishiq”.
Falanqeeyahan ayaa intaas ku daray in Ankara ay dano istaratijiyadeed ka leedahay xasilinta siyasadeed ee dalka Suuriya, gaar ahaan marka la eego wax ka qabashada arrimaha daba-dheeraaday ee xooggaga Kurdiyiinta oo caqab ku ah maamulka Ankara.
Turkiga ayaa sidoo kale rajaynaya inuu door muhiima ka ciyaaro dib u dhiska dalkan ay ragaadiyeen dagaalada ba’an ee socday wax kabadan 13 sano, kuwaas oo ay sababeen kacdoonadii gugii carabta ee dalkaas ka hana qaaday sanadkii 2011-kii, Turkiga ayaana dib u dhiskan doonaya inuu ku qandaraasyo ku kacaya dhaqaale xooggan kaga qaato shacabka Suuriya.
Falanqeeyaha Mahmoud Alloush yaa sidoo kale sheegay, in booqashadani ay sharciyaynayso joogitaanka ciidamada Turkiga ee Suuriya, waxayna sare u qaadaysaa iskaashiga military ee uu Turkigu ku ilaashanayo danihiisa, iyadoo Ankara ay doonayso inay kor u qaaddo cadaadiska xooggan ee ay ku hayso kooxaha Kurdiyiinta.
Intaa waxaa dheer, Alloush wuxuu tixgeliyey in booqashadani ay xaqiijin doonto is-waafajinta hababka Suuriya-Turkishka ee faylka SDF, waxayna u wareejin doontaa mashruuca xiriirka cusub ee labada waddan heer cusub.
Dhankiisa, Haidar Çakmak, oo ah aqoonyahan Turki ah iyo khabiir ku takhasusay xiriirka caalamiga ah, ayaa sheegay, in Booqashada Sharaa ee Turkiga ay ka duwanaan doonto booqashooyinka mustaqbalka ee dalalka kale.
Isagoo hadalkiisa sii wata aqoonyahankan ayuu ku faahfaahiyay fikradiisa qoraalo uu soo dhigay warbaahinta, isagoo sheegay in ciidamada Turkiga ay ku sugan yihiin Suuriya, ayagoo gacanta ku haya dhul balaaran oo ka tirsan dalka Suuriya.
Turkiga ayaa taageerayay mucaaradka hubeysan ee Suuriya in ka badan toban sano. Waxa kale oo ay 3 hawlgal oo milatari ka fuliyeen gudaha dhulka Suuriya, kuwaas oo laba ka mid ah lagu beegsaday dagaalyahannada Kurdiyiinta, waxaanay taasi keentay in xooggaga uu isagu taageero ay la wareegaan 3 magaalo oo ku yaalla Waqooyi-galbeed iyo bariga dalkaas.
Ka dib markii ay kooxuhu la wareegeen gacan ku haynta Dimishiq horraantii bishii Diseembar, dagaallo u dhexeeya ciidammada Turkigu uu taageero iyo xooggaga Kurdiyiinta ee ku sugan waqooyi-bari oo garab ka helaya Ciidamada Maraykanka ayay dagaalo culus ku dhex mareen qaar kamida gobalada dalkaas.
Dhanka kale, madaxa sirdoonka Turkiga, Ibrahim Kalin, ayaa booqasho ku tagay Dimishiq maalmo kadib markii la riday Bashaar Al-Asad, waxaana wasiirkooda arrimaha dibadda Hakan Fidan uu ahaa wasiirkii arrimaha dibadda ee ugu horreeyay oo booqda dalkan.
Erdogan ayaa doonaya inuu xilfi dhaw la samaysto maamulka cusub ee ka hana qaaday dalka Suuriya, isagoo uga danleh in uu ku ilaashado danaha amni ee dalkaas kaga xiran, taas oo ay kamid tahay kooxaha mucaaradka ku ah Turkiga oo iskasoo abaabula dalka Suuriya.