Muxuu Mudnaanta koowaad ka Dhigayaa Ajendaha Trump ee Bariga Dhexe? (Warbixin)

31
0

Tifaftiraha arrimaha siyaasadda ee wargeyska Maariv, haweenayda lagu magacaabo Anna Brasky, ayaa shaki gelisay suurtagalnimada in garabka midigta fog ee Yahuudda ay gaaraan hammigooda ku aaddan in Daanta Galbeed lagu daro dhulka horay gumaysiga ku jiray ee Falastiin, iyada oo xustay in madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump uu mudnaanta koowaad siinayo sidii loo caadiyayn lahaa xiriirka Sucuudiga iyo Sahaayinada.

Brasky ayaa warbixin ay soo saartay shalay oo Sabti ahayd ku sheegtay, in tan iyo markii uu Trump ku guuleystay doorashadii madaxtinimada ee Mareykanka 5-tii November, uu maamulka Yahuudda billaabay in uu dib ucusbooneysiiso ka hadalka qorshaha uu Daanta Galbeed oogu biirin lahaa dhulka uu xoogga ku haysto ee Falastiin, waxaana hadalkan horkacayay wasiirka maaliyadda ninka lagu magacaabo,Bezalel Smotrich, oo ah hogaamiyaha Xisbiga Sahyuuniyadda, wuxuuna dhawaan ku dhawaaqay ninkaas, in sanadka soo socda ee 2025 uu noqon doono sanadka madaxbanaanida Yahuudiyada iyo Samaariyada, wuxuuna tilmaamay in qorshahan la fulinayo.

Wargayska Yahuudda ee Maariv ayaa aaminsan, in caadaynta Sucuudiga iyo Yahuudda ay ka horraynayso ku darista Daanta Galbeed ee dhulka gumaysiga ku jira, waa haddii ajandaha Trump ee Bariga Dhexe la fiiriyo, wargayska ayaana xusay in uu marar badan ku celceliyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo isbahaysiga lala yeelanayo Riyadh, si loo wajaho hanjabaadaha Iran ee ka dhanka ah shacabka Yahuudda.

Balse marka la eego aragtida khaaska ah ee Trump, waxa ugu horeeya ee uu mudnaanta siinaya waa sidii uu maamulka Yahuudda iskaashi dhanka difaaca ah ula yeelan lahaa boqortooyada Sacuudi Carabiya, maadaama Trump uu aaminsan yahay in la dagaallanka saameynta Iran ay ku leedahay gobolka ay tahay tan ugu muhiimsan, iyo in dadaallada loogu jiro sidii loo qadan lahaa Daanta Galbeed ay caqabad ku noqon karto samaynta ay Iran ku leedahay Bariga Dhexe.

Haweenaydaan Saxafiyadda ah ayaa soo xigatay hadal uu uujeediyay Mike Huckabee, oo uu Trump u doortay safiirka Maraykanka u jooga dhulka Yahuudda gumaysato, mar la weydiiyey ninkaas in ay jirto fursad loogu dari karo Daanta Galbeed qaybaha kale ee gumaysiga ku jira ee Falastiin iyo inkale, wuxuu ku jawaabay haa way jirtaa fursaddaas, balse wuxuu raaciya anigu ma ihi mid ka go’aamin doona siyaasaddaas wuxuuna sheegay in uu Trump yahay midka dejinaya qorshahaas.

Dhanka kale, Saxafiyadu  waxay  sheegtay in Ra’iisul Wasaaraha Yahuudda Benjamin Netanyahu, laga yaabo in uu  isticmaalo qorshe ka duwan, qorshaha ah in maamulkiisa lagu soo daro Daanta Galbeed, si uu ula xaajoodo boqortooyada Sacuudiga.

Saxafiyadu ayadoo hadalkeeda sii wadata waxay tiri “Netanyahu waxuu  u badan yahay,  inuu Sucuudiga kala xaajoon doono sidii uu ucaadiyayn lahaa xiriirka labada Maamul, wuxuuna u soo bandhigi doonaa Sucuudiga ku biiristiisa qayb ka mid ah heshiiska caadiyaynta ah ee uu Netanyahu la galay dalal Carabeed, xeeladanina waxay ahyd mid uu horay heshiis uu ugula galay isutaga Imaratka carabta iyo boqortoyada Baxrayn, hadii uu horay ugu guulaystay midaas, waxay ubadan tahay inuu hadana xeeladaas soo celiyo”.

Sidaa darteed, Brasky waxay  aaminsan tahay in rajooyinka la filayo ee ku saabsan ku darida Daanta Galbeed dhulka ay Yahuuddu gumaysiga ku haysato, laga yaabo in ay xaalado kale abuurto, sababtoo ah waxay lid ku tahay xaqiiqada siyaasadeed ee dhulka, midaasina waxay Netanyahu ku qasbi kartaa inuu isbeddel ku sameeyo xeeladihiisa.

Suxufiyadan Yahuuddiyada ah ayaa sheegtay, in heshiis kasta oo lala galo Sucuudiga laga yaabo in uu Netanyahu u baahdo in uu tanaasulaad weyn ka sameeyo arrinta Falastiin, gaar ahaan cadaadiska ay Riyadh ku hayso arrintan, Tanina waxay ka dhigan tahay in Ra’iisal Wasaaraha Yahuudda laga yaabo, inuu uu dhibaato xooggan kala kulmo sidii uu heshiis noocaas ah ugu gudbin lahaa isbahaysigiisa talada haya.

Brasky waxay intaa ku dartay, “Maanta waxaa jira tiro wasiiro ah oo ka tirsan Maamulka Yahuudda, kuwaas oo si cad u diiday fikradda ah in lagu soo laabto wada xaajoodka dhismaha dawlad Falastiiniyiinta ugaara, xitaa haddii Netanyahu uu isku dayo inuu meel mariyo heshiiskan, tanina waxay keeni  kartaa mucaaradad xooggan oo u dhaxeeysa  xukuumaddiisa.”

Iyadoo ka hadlaysa mawqifka Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka ee ku wajahan Iran, waxay tiri Brasky, “Inkasta oo uu Trump caddeeyo in uu taageerayo ammaanka Yahuudda, waxa laga yaabaa hadana in uu la kulmo culaysyo si uu maamulka yahuudda oogu taageero tallaabo kasta oo milatari oo ka dhan ah Iran, gaar ahaan haddii uu aaminsan yahay Trump in tani ay horseedi karto xiisad aan loo baahnayn”

Suxufiyadan ayaa hadalkeeda  ku soo gabagabaysay “haddii Netanyahu uu doonayo in uu heshiis taariikhi ah la galo boqortooyada Sucuudiga, waa in uu si taxadar leh uga fikiraa sidii uu tanaasulaad ugu samayn lahaa qorshayashiisa ku wajahan Daanta galbeed”.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here