Naftii Hure Falastiini ahaa oo isku Qarxiyay Goob ay ku Sugnaayeen ciidamada Yahuudda.

7
0

Guutada Al-Qassam garabka melleteri ee Xamaas ayaa shaaca ka qaaday, in howlgal culus ay ka fuliyeen Bariga xerada Jabaliya ee Waqooyiga Marinka Gaza,halka ciidamada guumeysiga Yahuudda ay shaaciyeen in laga dilay Labo sarkaal, lagana dhaawacay kuwa kale.

Guutada Al-Qassam ayaa sheegtay, in mid ka mid ah dagaalyahanadooda uu isku qarxiyay meel ay ku sugnaayeen ciidamada Yahuudda oo ka koobnaa 5 askari, waxa ayna uqayb sameen wax dhinta iyo wax dhaawacmo.

Dhankooda, guutada Al-Qudus ee garabka melleteri ee Xarakada Jihaad Islaami ayaa ku dhawaaqday, in ay burburisay gaari dagaal oo ay lahaayeen ciidamada Yahuudda intii ay ku guda jireen duullaanka ay ku soo qaadeen Koonfurta daarta Al-Cowda ee magaalada Beyt Hanuun.

Geesta kale, ciidamada Sahaayinada ayaa ku dhawaaqay, in laga dilay Labo sarkaal oo darajo sare ahaa, halka uu dhaawac halis ah soo gaaray sarkaal iyo askari ka tirsan ciidamadooda, kaddib dagaallo ka dhacay bartamaha iyo Waqooyiga Marinka Gaza.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here