Channel-ka 12-aad ee Yahuudda ayaa sheegay, in Ra’iisul Wasaaraha Yahuudda Benjamin Netanyahu uu ka fikirayo in madaxa adeegga amniga ee Shin Bet oo ka tirsan kooxda wada xaajoodka Sahaayinada laga reebo xabbad joojinta iyo wadahadalka maxaabiis is dhaafsiga ee marinka Qaza.
Kanaalka ayaa sheegay, in Netanyahu uu si dhab ah uga fikirayo inuu isbedel ku sameeyo kooxda wada xaajoodka u qaabilsan dhanka Yahuudda, ka hor inta aan la bilaabin wada xaajoodka wejiga labaad ee heshiiska xabbad joojinta ee dhaqdhaqaaqa iska caabinta Falastiiniyiinta.
Netanyahu ayaa Washington gaaray shalay Axadii, wuxuuna dib u dhigay taariikhda wada xaajoodka wajiga labaad ilaa uu ka dhammaanayo kulanka uu Aqalka Cad kula yeeshay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaas oo la filayo inuu bari Talaadada qabsoomo.
19-kii Janaayo, xabad joojinta iyo heshiiska maxaabiis isdhaafsiga ee Xamaas iyo Yahuudda ayaa dhaqan galay wajigiisii koowaad, kaas oo soconaya 6 toddobaad.
Heshiiskan oo ku imaaday dhex dhexaadin ay ka qayb galeen dalalka Masar iyo Qatar ayaa dhigaya in la bilaabo wada xaajood aan toos ahayn oo u dhexeeya Xamaas iyo Yahuudda oo ku saabsan wejiga labaad, kaas oo aan ka dib mari doonin maalinta 16-aad ee heshiiska koowaad, kaddib marka uu heshiiskan dhaqan galo, iyadoo heshiiska la dhamaystiri doono ka hor inta aanu dhammaan toddobaadka shanaad ee wejiga koowaad.