Netanyahu oo xilka ka Qaaday wasiirkiisii gaashaandhigga.

19
0

Fiidnimadii Talaadada, ra’iisul wasaaraha Yahuudda Benjamin Netanyahu ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay xil ka qaadista wasiirkii gaashaandhigga Yoav Galant.

Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in kalsoonidii u dhaxeysay isaga iyo Gallant ay meesha ka baxday, isagoo xusay in xiliga dagaalka uu socdo loo baahan yahay kalsooni buuxda oo dhex marta Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Gaashaandhigga.

Sida ay sheegtay warbaahinta Yahuudda, Netanyahu ayaa go’aansaday inuu shaqada ka eryo Gallant, isla markaana baddalkiisa uu magacaabo wasiirkii arrimaha dibadda Sahaayinada ninka lagu magacaabo Israel Katz.

Benjamin Netanyahu ayaa sheegay, in xilka ugu weyn ee  saaran uu yahay inuu ilaaliyo ammaanka Sahaayinada iyo inuu gaaro guul dhamaystiran, waa siduu hadal udhigaye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here