Nidaamka Bishaar Al-Asad oo Duqayn uu ka Fuliyay Dalka Suuriya ku Dillay Dad Shacab ah.

17
0

Gabar ayaa lagu dilay 6 qof oo rayid ahna waa lagu dhaawacay, shalay fiidnimadii magaalooyinka Binnish iyo Ariha oo ku yaalla duleedka Idlib ee waqooyiga Suuriya, kaddib markii madaafiic ay ciidamada Nidaamka Suuriya la beegsadeen xeryo la deggan yahay.

Ciidamada Nusayriyada Bishaar Al- Asad ee dalka Suriya, ayaa duqayn ka fuliyay xero ay daganaayeen dad barakacayaal ah, oo ku yaalla duleedka Magaalada Binnish ee dhacda bariga Idlib,  madaafiicda iyo gantaallada lagu gaaracay magaaladan ayaa sababay dhimashada gabadh yar iyo dhaawaca Labo kale oo walaaladeed ahaa.

Dad goobjoogayaal ah oo warbaahinta lahadlay ayaa intaas ku daray, in 5 kale – oo ay ku jiraan 4 carruur ah – ay ku dhaawacmeen madaafiic ay ciidamada Nusayriyada ah ku garaaceen xaafado ka tirsan magaalada Ariha ee baadiyaha koonfureed ee Idlib.

May 5, 2020, Moscow iyo Ankara waxay heshiis xabbad-joojin ah ku gaareen Idlib, laakiin ciidamada Nidaamka Suuriya iyo taageerayaashiisa ayaa jebiya heshiis kaas, ayagoona xoojiyay weerarada iyo duqaymaha ay ka fulinayaan idlib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here