Nidaamka Difaaca Hawada ee Ruushka oo Burburiyay Diyaarado ay Leedahay Ukraine.

25
0

 

Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa subaxnimadii  maanta ku dhawaaqday, in nidaamyada difaaca cirka ay burburiyeen 16 diyaaradood oo laga leeyahay Ukraine oo ku sugnaa hawada gobollada Belgorod, Rostov iyo Bryansk

Bayaan ay wasaaradda soo saartay ayaa lagu yiri: “ waxaa fashilmay isku daygii taliska Kiev ee ahaa in uu weeraro ka gaysto  gooba kamid ah dhulka Ruushka, asagoo adeegsanaya  diyaaradaha aan duuliyaha lahayn,  waxayna nidaamka difaaca hawada burburiyeen 16 diyaaradood oo laga leeyahay dalka Ukraine”

13 diyaaradood waxay dul heehaabayeen gobalka Bryansk, Labo diyaaradood oo aan duuliye lahayn waxay dul marayeen  gobalka Rostov, halka midda soo hartayna  ay dulmaraysay gobolka Belgorod, sida laga soo xigtay wakaaladda “TASS” ee Ruushka.

Guddoomiyaha gobolka Bryansk, ninka lagu magacaabo Alexander Bogomaz, ayaa tilmaamay in aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhacay gobolka.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u arkay, in uu xambaarsan yahay  daandaansi khatar ah, hadal uu dhiggiisa Ukraine, Volodymyr Zelensky, uu Khamiistii ku soo bandhigay magaalada Brussels, kaas oo ahaa in Ukraine ay doonayso inay hesho hubka nukliyeerka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here