Nidaamkii Difaaca hawada ee Iran oo Lasheegay in lagu Burburiyay Weerarkii Shalay lagu Qaaday Tehraan.

25
0

Sida uu sheegay wargeyska Wall Street Journal oo soo xiganaya saraakiil Maraykan ah iyo kuwo Yahuudda, ayaa ka warbixiyay faahfaahin ku saabsan weerarradii Sahaayinadu ay ku bartilmaameedsadeen goobo ku yaalla dalka Iran, subaxnimadii hore ee shalay Sabtidii.

Wargeyskan oo soo xiganaya sarkaal Yahuudd ah, ayaa sheegay in weerarka ka hor ay Iran haysatay afar gantaal oo ah nooca loo yaqaano S-300 (difaaca hawada) kuwaas oo ahaa kuwii ugu casrisanaa ee lagu ilaalinayay difaaca hawada ee magalada Tehran. Wuxuuna sheegay in ay dhamantood burburiyeen.

Waxaa xusid mudan in Ruushku uu Iran siiyay nidaam difaaaceedkan  2016-kii, balse xukuumada  Iran wax waara kama soo saarin sheegashada Yahuudda, ee ku aadan in nidaam difaaceedkeedii la burburiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here