Booliska Jarmalka ayaa xiray darawal baabuur ku jiirsiiyay dad ku sugnaa suuqa Christmas-ka ee bartamaha magaalada Magdeburg ee Jarmalka, waxaana ka dhashay dhimasha iyo dhaawac.
Wargeyska Bild ayaa sheegay, in ugu yaraan 11 qof ay dhinteen, halka ku dhawaad 80 kalana ay dhaawacmeen kaddib markii uu darawal baabuurku jiirsiiyay dad badan oo ku sugnaa suuqa.
La taliyaha Hogaamiyaha Jarmalka ninka lagu magacaabo Olaf Scholz ayaa bayaan uu ku daabacay barta “X” ku sheegay, in shilka suuqa kirismaska uu kor u qaadayo cabsi aad udaran.
Scholz ayaa yiri “Fikradaydu waxay la jirtaa dhibanayaasha iyo qoysaskooda, waanu garab taaganahay dadka magaalada Magdeburg, waxaana u mahadcelinayaa shaqaalaha gurmadka ee isku xilqaamay saacadahan adag,”
Warbaahinta Jarmalka ayaa ku warantay, iyadoo soo xiganeysa Booliska, in laga shakiyay in gaariga ay ku jireen walxaha qarxa. Halka Afhayeen u hadlay xukuumadda Magdeburg uu sheegay in shilka baabuurka “laga yaabo inuu ahaa weerar.”
Warbaahinta kale ee maxaliga ah ee Jarmalka ayaa ku warantay, iyadoo soo xiganeysa sarkaal ka tirsan dowladda hoose, in baabuurka uu ku dhuftay koox dad ah oo ka adeeganaysay suuqa Christmas-ka ee ku yaalla magaalada Magdeburg. Dhacdadaan ayaa kusoo beegmayso xilli ciidda baadilka ah ee Christmas-ka ay ka harsan-tahay dhawr maalin oo qura.