Dowladda Hindiya ayaa duqeysay dhowr Masjid oo ku yaala gudaha dalka Pakistan.
Hindiya ayaa ku dhawaaqday in ay billowday howlgal ay ku beegsanayso waxa ay ugu yeertay kaabayaasha argagixisada ee Pakistan.
Ciidamada Hindiya ayaa sidoo kale sheegay inay duqeyeen sagaal goobood.
Halka afhayeen u hadlay ciidamada Pakistan uu sheegay in siddeed qof lagu dilay weerarrada Hindiya, 35 kalena lagu dhaawacay, laba qofna la la’yahay.
Dhanka kale Ciidamada qalabka sida ee Pakistan ayaa madaafiic ku garaacay deegaanada Hindiya ka maamusho gobolkaKashmir.
Hindiya ayaa dhankeeda sheegtay in duqeymaha Pakistan ay ku dishay saddex qof oo rayid ah oo ku sugnaa Kashmir.