Pentagon-ka ayaa maanta oo Jimce ah ku dhawaaqday in laba kun oo askari oo Amerikaan ah ay ku sugan yihiin gudaha dalka Suuriya, tiradaas oo dhaaftay qiyaaso hore oo tilmaamayay in ay joogaan 900 oo Askari.
Afhayeenka Pentagon-ka General Pat Ryder wuxuu sharaxay, in 1,100 askari oo kamida ciidamadaas ay yihiin ciidamo ilaaliya danaha Maraykanka ee dalkaas, kuwaas oo shaqeeya muddo u dhexeysa 30 ilaa 90 maalmood, ayagaoo sameeya hawlagalo amni oo hoos taga taliska dhexe ee Maraykanka.
Dhanka kale, waxaa jira 900 oo askari oo katirsan ciidamadan Labada Kun ah, kuwaas oo la shaqeeya ciidamada kurdiyiinta ee urabaysan Maraykanka, ciidamadan ayaa shaqeeya muddo u dhexaysa 9 ilaa 12 bilood.
Ryder waxa uu sheegay, in Pentagon-ku uu dhawaan shaaca ka qaaday tirooyinkan sii kordhayay sababo la xiriira xaalada isbedel ee dalka Suuriya, wuxuuna yiri “Waxaan horay u sheegi jirnay in ay jiraan 900 oo askari oo kaliya, laakiin markii aanu hubinay tirada, waxaanu ogaanay in tiradu gaadhay ilaa laba kun.”
Ku dhawaaqistan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo ay dalka Suuriya ka socdaan isbedello xooggan, kaddib markii uu meesha ka baxay maamulkii uu hoggaaminayay Bashaar Al-asad, iyadoo mucaaradka Suuriya ay la wareegeen gacan ku haynta caasimadda Dimishiq iyo magaalooyin kale oo waaweyn. Pentagon-ka ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay sii wadi doonaan howlgallada ay ka wadaan dalka Suuriya.