Qaar kamid ah Dalalka Yurub oo Martgaliyay Dibad-baxayaal lagu Cambaareynayo Gardarrada Yahuudda ee ka Dhanka ah Qaza iyo Lubnaan.

15
0

Shalay oo Sabti ahayd ayaa magaalooyin badan oo Yurub ka tirsan waxaa ka dhacay bannaanbaxyo lagu cambaareynayo sii socoshada dagaalka ay Yahuuddu ka wadda Qaza iyo Lubnaan, waxaana kamid ah dalalka ay ka dhaceen dibad-baxyada:

Ingriiska

Tobannaan kun oo mudaaharaadayaal ah ayaa ka qayb galay Dibad-baxayaal ka dhacay magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska, mudaharaadkan oo ka bilowmay xarunta dhexe ee dawladda Ingiriiska ayaa lug lagu tagay illaa  dhismaha safaaradda Maraykanka ee London.

Dibad-baxayaasha ayaa dalbanayay in dowladaha Ingiriiska iyo Maraykanka ay joojiyaan hubeynta Sahaayinada, sidoo kalana ay joojiyaan ka qeyb qaadashada dagaalka ay Yahuuudu ku hayso Qaza iyo Lubnaan.

Jarmalka

In ka badan kun qof ayaa isugu soo baxay meel u dhow xarun tareennada oo ku taalla magaalada Berlin, si ay u cambaareeyaan weerarrada ay Yahuuddu ka waddo  Qaza in ka badan hal sano, iyo in ay muujiyaan garab istaaggooda shacabka reer Falastiin.

Dibad-baxayaasha ayaa  kor usiday calamada Falastiiniyiinta iyo boorar ay ku dalbanayaan in dowladda Jarmalka ay joojiso hubka ay siiso Sahaayinada ee ay ku gumaadeyso shacabka Falastiin.

Ciidamada Booliiska Jarmalka ayaa xiray dad badan oo banaanbaxayay, taas oo keentay iska hor imaadyo dhaxmaray booliiska iyo banaanbaxayaasha, waxaana ka qeyb galayaal badan loo geystay rabshado iyo xarig.

Ka qeyb galayaasha banaanbaxa ayaana ku qasbanaaday in ay soo afjaraan dibad-baxa, kadib markii ciidamada Booliska ay kala eryeen.

Sweden

Dibadbaxayaal ka dhacay magaalada Stockholm ee caasimadda dalka Sweden ayaa dalbanayay in Sahaayinada ay joojiso weerarada ay ku heyso marinka Qaza iyo Lubnaan, isla markaana ay  ogalaato xabad joojin.

Dibad-baxayaasha ayaa isugu soo baxay agagaarka Odenplan, waxayna u dhaqaaqeen dhanka xarunta baarlamaanka Sweden, waxayna dalbanayeen in la joojiyo xasuuqa ay Yahuuddu ka waddo marinka Qaza, waxayna ku baaqeen xabbad-joojin degdeg ah oo ka dhacda Gaza iyo Lubnaan.

Faransiiska

Bartamaha magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska  ayaa sidoo kale lagu qabtay Dibadbaxyo, mudaharaadayaashuna  waxa ay xireen isu socodkii waddooyinka si ay u taageeraan dadka Falastiiniyiinta iyo Lubnaan, isla markaana ay cambaareeyaan duqeymaha Yahuudda ka waddo Qaza iyo Lubnaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here