Qaar Kamid ah Qabaa’ilka Soomaaliyeed oo Xarakada Alshabaab ku Wareejiyay Xoolo Nool.

27
0

Xilli uu socdo loolan culus oo u dhexeeya xarakada Alshabaab iyo ciidamada shisheeye oo garab ka helaaya dowlada federaalka Soomaaliya ayaa waxaa dhankooda dagaalka ka qayb qaadanaya qaba’ilka Soomaaliyeed.

Qaar kamid ah qabaa’ilka Soomaaliyeed ayaa si buuxda u garab is taagay xarakada mujaahidiinta Alshabaab ayagoo ku wareejiyay milliteriga Alshabaab xoolol nool.

Beelaha kala ah: Leysaan, Eelaay, Yantaar,iyo Beesha Macalim Weyne ayaa Xoolo Nool oo isugu Jira Geel iyo Ari kuwareejiyey xarakada Alshabaab.

Munaasabad si gaar ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacday degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe, taasoo lagu guddoonsiiyey Al-Shabaab xoolo nool.

Beelaha ayaa u kala bixiyay xoolaha sida soo socoto:

1-Macalim Weyne – 9 neef oo geel ah

2-Eelaay – 7 neef oo geel ah

3-Leysaan – 5 neef oo geel ah

4-Yantaar – 30 neef oo ari ah

Arintaan ayaa ka dhigan in dagaalka ka dhanka ah shisheeyaha eeku jirto xarakada Alshabaab ee garab buuxa kaga heleyso qabiilada Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here