Mali iyo xulafadeeda kala ah Niger iyo Burkina Faso ayaa ku dhawaaqay, inay u yeerteen safiiradooda u jooga dalka Algeria, kadib markii ay Algeria ku eedeeyeen in dhamaadkii bishii March ay soo riday diyaarad aan duuliye lahayn oo ay lahaayeen ciidamada Mali ee ku sugan waqooyiga dalkaas, una dhow xadka Aljeeriya.
Saddexda dal ayaa bayaan ay si wadajir ah u soo saareen ku sheegay, in madaxda dowladaha Saaxilka ay go’aansadeen inay u yeeraan safiirrada dalalka xubnaha ka ah isbahaysigaas ee ku sugan dalka Aljeeriya si ay wadatashi ula yeeshaan.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mali ayaa sheegtay, in baaritaan kadib ay Maali ogaatay, in diyaarada aan duuliyaha lahayn loo soo riday sabab la xiriirta waxa ay ku tilmaantay fal cadowtinimo ah oo ay geysatay Aljeeriya.
Horraantii bishan ayay ahayd, markii wasaaradda difaaca ee Aljeeriya ay ku dhawaaqday, in ciidamada dalkaas ay soo rideen diyaarad sahan ah oo hubaysan, taas oo ku soo xadgudubtay hawada dalkaasi meel u dhow magaalada xuduudka ku taalla ee Tin Zaouatine.
Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee France-Presse, tallaabada ay qaadeen Mali, Niger iyo Burkina Faso ayaa ku soo beegantay iyadoo uu sii xumaanayo xiriirka Mali iyo Algeria.