Qalalaase ka Dhex Taagan Maamulada Tel Aviv iyo Washington.

43
0

Warar laga helay wargeyska Yidi’ot Ahronot oo caan ka ah gudaha gumeystaha Israa’iil ayaa daaha ka rogay walaaca sii kordhaya ee haya Tel Aviv kadib isbeddelo ballaaran oo lagu sameeyay maamulka Trump.

Isbadalqda ayaa saameyn weyn ku yeeshay madax sar sare kuwaas oo ay ka mid yihiin mas’uuliyiin si weyn ugu caan ahaa taageerada gumeystaha Yahuuda.

Warbixintu waxay xustay:

 • Waxaa ka jira gudaha Israa’iil walwal weyn kadib iska eryidda mas’uuliyiin Mareykan ah oo si cad ugu muuqatay taageerada Israa’iil, taasoo loo arko inay calaamad u tahay isbeddelka jihada siyaasadeed ee Washington.

 • Sida laga soo xigtay ilo wareedyo, “wax walba waxay si degdeg ah ugu beddelmi karaan maamulka Trump”, iyadoo aan la iska indho tiri karin suuragalnimada in mas’uuliyiin kale oo taageersan gumeystaha Yahuuda la eryi doono.

 • Warbixintu waxay carrabka ku adkaysay in is-casilaadahaasi aysan imaanin si kedis ah, balse ay yihiin tilmaan muujinaysa kala fogaanshaha sii kordhaya ee u dhexeeya maamulka Trump iyo Tel Aviv.

 • Ra’iisul Wasaare Netanyahu ayaa si weyn uga walaacsan isbeddelada ka socda gudaha Mareykanka, iyadoo uu ka cabsi qabo in saameynta ay yeelanayaan shaqsiyaadka cusub ee kusoo badanaya Washington ay dhaawici karto xiriirka Tel Aviv iyo Aqalka Cad.

 • Sidoo kale Netanyahu wuxuu dareemayaa in shaqsiyaadkan ay Trump ka dhaadhicinayaan in gumeystaha Israa’iil ku jiidayso dagaallo aan loo baahnayn, taasoo keentay tuhunno hor leh oo lagu abuuro madaxweynaha Mareykanka.

Si kastaba ha ahaatee, warbixintu waxay sheegtay in isbeddelada Trump ku sameeyay maamulka aysan si toos ah u noqon kuwo ka dhan ah gumeystaha Israa’iil, balse ay qeyb ka yihiin mabaadi’da “America First”, taasoo mudnaan siineysa danta Mareykanka halkii ay ka ahaan lahayd in la ilaaliyo saaxiibtinimada caalamiga ah.

Isbeddeladan ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa dadaalka Trump ku doonayo inuu ku wiiqo awoodda Golaha Amniga Qaranka ee Mareykanka (NSC), taasoo laga yaabo inay wax u dhimto saameynta siyaasadeed ee ay Israa’iil ku leedahay go’aanada Washington.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here