Qaramada Midoobey oo dhaleeceysay weerarrada ay Yahuudu ku beegsanayso xarumaha caafimaadka ee Lubnaan.

54
0

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobey oo lagu magacaabo Stephane Dujarric, ayaa walaac xooggan ka muujiyay weerarrada isa soo taraya ee Yahuudda ku hayso goobaha caafimaadka ee Lubnaan.

Waxa uu sheegay  – isaga oo soo xiganaya mas’uuliyiinta Lubnaan – in 36 weerar ay Yahuuddu la beegsadeen xarumo caafimaadka, intii u dhaxaysay 8-dii Oktoobar ee sannadkii hore iyo Oktoobar 4-teedii ee bishan.

Dujarric wuxuu muujiyay in ugu yaraan 96 xarumood, oo ah kuwa daryeelka caafimaadka ee aasaasiga ah iyo 3 isbitaal lagu qasbay inay xiraaan colaada awgeed.Waxa uu intaa ku daray in weerarradu aysan saamaynin xarumaha oo kaliya, balse ay sidoo kale saameeyeen shaqaalaha caafimaadka.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO waxa ay ku qiyaastay tirada shaqaalaha caafimaadka ee lagu dilay dalka Lubnaan, intii u dhaxaysay 8-dii Oktoobar ee sannadkii hore iyo Oktoobar 4-teedii ee bishan, sidoo kale ay gaarayaan 77 qof.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in la-hawlgalayaasha Qaramada Midoobay ee dhanka caafimaadka, ay taageerayaan mas’uuliyiinta caafimaadka ee Lubnaan, ayna gaarsiinayaan qalab dheeri ah iyo sidoo kale dawooyin.

Afhayeenka Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale sheegay in kaabayaasha biyaha ay saameeyeen weerada, iyadoo ugu yaraan 25 goobood oo xarumaha biyaha ah, ay waxyeelo soo gaartay.

Warkaan ayaa kusoo beegmaya, xilli Qaramada Midoobey qudheeda lagu eedaynayo inay la safantahay maamulka Yahuudda.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here