Qarax Khasaare Geystay oo Lagu Beegsaday Ciidamada Itoobiya oo Ku Sugan Magaalada Baydhabo.

10
0

Baydhabo Weerar culus oo qarax ah ayaa saaka aroortii ka dhacay magaalada Baydhabo, kaasoo ay fuliyeen ciidamada Mujaahidiinta ee Xarakada Al-Shabaab, waxaana lagu beegsaday ciidamada Itoobiya ah oo ilaalo ka hayay garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay, in qaraxa uu sababay dhimashada 3 askari oo Itoobiyaan ah iyo dhaawaca 2 kale, waxaana xigay rasaas ay fureen ciidamada la beegsaday.

Mujaahidiinta ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan, kaas oo qayb ka ah hawgalada jihaadiga ah ee ay kagasoo hor jeedaan ciidamada shisheeye ee dalka duulaanka ku joogaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here