Askar ka Tirsan Ciidamada Dowladda Fadaraalka oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Qarax ka Dhacay Duleedka Magaalada Muqdiso.

19
0

Wararka inaga soo gaaraya duleedka magaalada Muqdisho ayaa tibaaxaya, in Qarax ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ka fuliyeen deegaanka Calamada ee duleedka magaaladaasi lala eegtay gaari C/Bile ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan Booliska dowladda Fadaraalka, waxaana ciidamadaasi gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Ilo wareedyo ayaa inoo xaqiijiyay, in qaraxaasi ay ku dhinteen 3 askari, halka 3 kalana ay ku dhaawacmeen. Ciidamada goobta ku geeriyooday waxaa ku jiray Sarkaal lagu magacaabi jiray Maslax.

Werarkan ayaa kusoo beegmayo iyadoo maanta guutada jugta culus ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay duqeymo ku garaaceen xerada Xalane ee ay ku sugan yihiin Shisheeyaha kusoo duulay dalkeenna Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here