Bariga dalka Shiinaha ayaa lagasoo sheegayaa, in maanta galinkii dambe laga maqlay qarax aad u xooggan oo gilgilay magaalada Ga’omi ee gobolka Shandong ee dalkaas, kaas oo ka dhacay warshad lagu farsameeyo kiimikooyinka, waxaana ku dhaawacmay tiro dad ah, iyada oo uu khasaare maaliyadeed oo baaxad leh uu gaaray xaafado dhowr ah.
Warshadda uu qaraxu ka dhacay ayaa soo saarta sunta cayayaanka iyo kiimikooyin kale oo la xiriira beeraha. Wararka horudhaca ah ayaa tilmaamaya in qaraxu yimid kadib markii uu dab xooggan ka kacay gudaha dhismaha warshada, daqiiqado kooban ka hor intii aanay jugta weyn ee qaraxu ruxin magaalada.
Qaraxan ayaa sababay dhaawac soo gaaray qaar kamid ah shaqaalaha warshada iyo dad ka agdhawaa goobta, kuwaas oo la geeyay xarumaha caafimaadka ee magaaladaas, inkastoo aan la shaacin tirada rasmiga ah ee dadka ay dhaawacyadu soo gaareen.
Warshaddan ayaa shaqaaleysiisa ku dhawaad 300 oo qof, waxayna leedahay awood wax-soo-saar oo gaaraysa 11 kun oo tan sanadkii, taas oo burburkeedu uu Shiinaha ku noqon karo hoos u dhac dhaqaale oo baxaad leh, maadaama warshadina ay soo saari jirtay dhaqaale xooggan.