Qarax Xooggan oo ka Dhacay Xarunta Tarenada ee Magaalada Quetta ee Dalka Pakistan.

14
0

Qarax xooggan ayaa ka dhacay goob tareenada laga raaco oo ku taala magaalada Quetta ee dalka Pakistan, taas oo sababtay dhimashada dad badan oo Pakistaniyiin ah, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas kabadan.

Afhayeen u hadlay dowladda Pakistan ayaa saaka sheegay, in qarax xooggan oo ka dhacay xarunta tareenada ee magaalada Quetta ee dhacda Koonfur-galbeed Pakistan, ay ku dhinteen 4 qof, halka 25 kalena ay ku dhaawacmeen, Waxaa uu intaa ku daray in ay suuragal tahay in dhimashadu ay sii kororto maadaama dadkii rakaabka ahaa ee dhaawacmay qaarkood ay xaaladoodu liidato.

Warbaahinta gudaha oo soo xiganaysa dad goobjoogayaal ah ayaa sheegtay, in ugu yaraan 20 qof ay ku dhinteen qaraxa ka dhacay xarunta tareenada, wali lama sheegin waxa sababay qaraxan, balse waayadii dambe waxaa dalka Pakistaan kusoo badanayay qaraxyada ay gaysayaan kooxaha mucaaradka ku ah xukuumada Pakistaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here