Fiidnimadii Axadda, qarax xooggan ayaa lala beegsaday saldhig booliis oo ku yaalla magaalada Mayaadiin ee bariga gobolka Dayr-Azuur ee dalka Suuriya, kaas oo sababay dhimashada iyo dhaawaca ciidamo ka tirsan laamaha amaanka ee dalkaas. Qaraxan ayaa dhacay xilli ay gudaha xarunta booliiska ku sugnaayeen ciidamo iyo shaqaale rayid ah,
Ilo dhanka ammaanka ah ayaa warbaahinta u sheegay, in qaraxan ay ku dhinteen saddex ka mid ah ciidamada ammaanka ee Suuriya, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale. waxaana la xaqiijiyay in dhaawacyada qaarkood ay yihiin kuwo halis ah. Qaraxa ayaana loo sababaynayaa inuu ka dhashay gaari lagasoo buuxiyay wal xaha qarxa.
Dad goob-joogayaal ah ayaa sheegay, in qaraxan uu ahaa kii ugu horeeyay oo noociisa oo kale ah oo ka dhaca deegaanka Mayaadiin, iyada oo mudooyinkan dambe uu dalka Suuriya martigaliyay weerarro qorshaysan oo ay gadaal ka riixayaan dawladdo shisheeye.