Qaraxyo lagu Weeraray Ciidamada Dowladda Fadaraalka oo ka Dhacay Gobalka Banaadir.

11
0

Weerar qorshaysan oo ay fuliyeen xoogagga Al-Shabaab ayaa ka dhacay Ex-controol Afgooye ee magaallada Muqdisho ee gobolka Banaadir.

Hawl-galkan oo ahaa qarax ayaa lagu dhaawacay ugu yaraan 2 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Fadaraalka, kuwaasoo ku sugnaa fariisin ay ku lahaayeen Ex-controol Afgooye.

Sidoo kale dagaalyahannada Al-Shabaab ee ka hawl-gala gobolka Banaadir, waxay qarax culus la beegsadeen goob ay joogeen ciidamada dowladda Fadaraalka.

Goobtaasi lagu weeraray qaraxa ayaa ahayd fariisin ay ciidamada dowladda Fadaraalka ku lahaayeen agagaarka Shirkadda Coca-cola ee degmada Yaaqshid.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya, in qaraxaasi uu ku dhaawacmay mid ka mida askartii goobtaasi ku sugnayd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here