Qareeno Jarmal ah oo isku Dayay inay Joojiyaan Markab Walxaha Qarxa usiday Yahuudda.

20
0

Qareeno Jarmal  ah oo sheegta inay udoodaan xuquuqul insaanka, ayaa maxkamada Berlin u gudbiyay codsi ah in la joojiyo shixnad walxaha qarxa oo miisaankeedu yahay 150 tan oo uu sido markabka  uu leeyahay Jarmalka, kaas oo ay sheegeen in la siin doono shirkadaha ugu waaweyn ee keena agabka difaaca ee Yahuudda.

Shirkadda Jarmalka ee leh markabka ayaana diiday inay shaaciso tafaasiisha shixnadda ay waddo, sababo qandaraas dartood, laakiin waxay sheegtay inay si buuxda u raacday dhammaan xeerarka caalamiga ah iyo kuwa Midowga Yurub, waxayna sheegtay inay heshay ruqsadaha lagama maarmaanka ah ka hor hawlgalladeeda.

Balse Xarunta Taageerada Sharciga Yurub ayaa sheegtay, in shixnadda loo wada Warshadaha soo saara agabka difaaca ee Yahuudda, taas oo taabacsan shirkadda Elbit, ee ah tan ugu weyn ee siisa maamulka Yahuudda agabka difaaca.

Dawladda Jarmalka ayaana safka hore kaga jirta dawladaha bixiyo hubka lagu xasuuqaya shacabka reer Qaza.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here