Qatar oo Cambaaraysay Weerarada ay Yahuuddu ku Beegsanayso Dadka Barakacayaasha ah ee Reer Falastiin.

12
0

Qatar ayaa cambaaraysay duqeymaha isdaba jooga ah ee ay Yahuuddu ku hayso dadka barakacayaasha ah ee Falastiiniyiinta, waxayna ku baaqday in la sii wado taageerada noocyadeeda kala duwan ee dadka reer Falastiin lagu taageerayo.

Tani waxay ku timid, kaddib bayaan ka soo baxay Dowladda Qatar oo uu ka hadlay Abdulaziz Mohammed Al Mansouri, Xoghayaha Labaad ee Wafdiga Joogtada ah ee Qatar ufadhiya Xafiiska Qaramada Midoobay ee Geneva.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay, in Qatar ay cambaareyneyso  weerarada iyo dambiyada foosha xun ee ay ciidamada Yahuuddu ku hayaan shacabka Falastiiniyiinta, iyo beegsiga ula kac ah ee ay u geystaan ​​xeryaha qaxootiyada, dugsiyada UNRWA iyo xarumaha rayidka ah ee ay dadka guryahooda ladumiyay gabaad ka dhigtaan.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in sii socoshada weeraradan ay sii kordhin doonto xiisada, fowdada iyo xasilooni daradana ay ku baahi doonto gobolka oo idil, ayna soo bandhigi doonto xiisado kale oo saameyn weyn ku yeelan doona gobolka iyo caalamka.

Tan iyo markii uu billowday dagaalka Yahuuddu ay ku hayso Qaza, Falastiiniyiintu waxay la kulmayeen dhibaatooyin soo noqnoqday oo barakicin ah, iyadoo ciidammada gumeysigu ay ku amreen dadka ku nool deegaannada iyo xaafadaha marinka Qaza, inay si dagdag ah uga  guuraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here