Qunsuliyadda Yahuudda ee New York oo la Weerararay.

13
0

Booliiska Maraykanka oo kaashanaya hay’adda dambi baarista ee Faderaalka ayaa ku dhawaaqay, inay fashiliyeen weerar la doonayey in lagu qaado qunsuliyadda Yahuudda ee magaalada New York, sida uu maanta sheegay Qunsulka guud ee Sahaayinada ufadhiya magaalada New York, ninka lagu magacaabo Ofir Akunis.

Bayaanka kasoo baxay Qunsuliyada ayaa lagu yiri: “Yahuudda waxay si weyn uga mahadcelineysaa jawaabta degdegga ah iyo iskaashiga ay bixiyeen laamaha ammaanka ee Mareykanka si ay u fashiliyaan isku daygii weerar ee lagu qaaday qunsuliyaddayada maanta”.

Wargeyska Times of Israel ayaa sheegay in eedeysanaha lala xiriirinaya inuu gacansaar la leeyihiin waxa ay ugu yeereen Ururo Argagixiso.

Wargeysku waxa uu tilmaamay, in eedaysanuhu uu ku noolaa gobalka Virginia ee cariga Maraykanka, ayna soo xireen Xafiiska Baarista ee Federaalka. Dhawr jeer sidaan oo kale waxaa weerarro la kulmay xarumo iyo safaarodo ay Yahuuddu ku leedahay waddamada reer Galbeedka iyo kuwa Carabta, waxaana ka xusi karnaa weerarkii dhawaan lagu qaaday Safaaradda Yahuuda ee dalka Urdun .

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here