Ra’iisul Wasaaraha Greenland oo ka jawaabay Rabitaanka Trump ee ahaa in jasiiraddaas lagu daro Mareykanka.

2
0

Ra’iisul wasaaraha Greenland ninka lagu magacaabo Meoti Egede ayaa xaqiijiyay fiidnimadii Jimcaha, inuu diyaar u yahay inuu la hadlo madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump, iyadoo ay jirto xiisad ka dhalatay ku dhawaaqistii Trump ee ahayd rabitaankiisa inuu xukumo jasiiraddaas.

“Dooni mayno inaan noqono Ameerikaan, waxaanu nahay Greenland-yiin,” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha, isagoo xusay in si kastaba ha ahaatee uu fahmay danaha Trump ee uu kaleeyahay jasiiradda marka loo eego goobta istaraatiijiga ah ee ay ku taalloo.

Waxa uu qiray Ra’iisul wasaaraha, in Gronland ay tahay qayb ka mid ah qaaradda Waqooyiga Ameerika iyo goob ay dadka Ameerikaan u arkaan qayb ka mid ah dhulkooda.

Egede ayaa ku baaqi jiray madaxbannaanida Gronland, isagoo Danmark u arki jiray awood gumaysi oo aan waligeed si wanaagsan ula dhaqmin dadka ku nool jaziiraddaas.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Denmark ayaa isla shirka jaraa’id ka sheegtay inay horay u codsatay la kulanka Trump, balse ma aysan filaynin inuu kulankaas dhaci doona ka hor caleema-saarkiisa.

Danmark ayaa horey ugu qoondaysay 400 Milyan oo Doollar, si loogu iibiyo  diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee riddada dheer, kuwaas oo lagaynayo jaziiraddan. Balse Trump, oo xilka la wareegaya 20-ka Janaayo, ayaa ku tilmaamay gacan ku haynta Gronland inay tahay mid muhiim ah Mareykanka, taas oo ah ismaamul madax bannaan oo hoostaga Denmark.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here