Ra’iisul wasaaraha dalka Bangladesh Shiikh Xasina, ayaa ku dhawaaqday inay iska casishay xilkii ay haysay.
Mudaaharaadyo socday toddobaadyo ka dib, Ra’iisul Wasaarihii dalka Bangladesh Shiikh Xasina ayaa is casishay, waxayna dalka uga carartay diyaarad nuuca helikobter ah ayadoo u baxsatay dhankaas iyo dalka Hindiya.
Sida warbaahinta laga soo xigtay maanta oo Isniin ah, kumanaan qof ayaa xoog ku galay guriga rasmiga ah ee ra’iisul wasaaraha dalka Bangladesh Shiikh Xasina.
Waxaa xusid mudan in dalka Bangaladesh ay ka socdeen isbuucyadii ugu dambeyay dibad bax dadweyne oo ay ku dhinteen boqolaal qof.
Banaan baxa ayaa socday dhowr toddobaad, kaas oo ay ka qeybgaleen boqolaal kun oo mudaaharaadayaal ah, kuwaas oo dalbanayay in ay meesha ka baxdo ra’iisul wasaare dalkaas Shiikh Xasina, oo xukunka haysay muddo 20 sano ah, ayadoo ku guuleysatay mar afaraad bishii Janaayo ee la soo dhaafay.