Ra’iisal wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu dalkaas u hayay muddada 10-ka sano ah, isaga oo sheegay in uu sii wadi doono shaqada illaa xisbigiisa uu ka dooranayo qofkii badeli lahaa.
Tallaabadan ayaa timid, kaddib markii Trudeau uu la kulmay cadaadisyo badan toddobaadyadii la soo dhaafay, iyadoo ay soo dhowdahay doorashooyinka dalkaas loogu dooranayo xumnaha Baarlamaanka ee xukuumada soo socota, halka xisbigiisu uu hoos u dhac wayn kala kulmay ra’yi aruurin laga qaaday bulshada dalkaas.
Trudeau, oo 54 sano jir ah, ayaa warbaahinta kula hadlay magaalada Ottawa shalay Isniintii, isagoo yiri “Waxaan iska casilay xilkii madaxnimo ee aan u hayay xisbigayga iyo xukuumadda dalka, isla markaana waaa in uu xisbigu doorto hogaamiyihii talada dalka ku matali lahaa”.
Trudeau, waa curadka Ra’iisul wasaarihii hore ee Canada , Pierre Elliot Trudeau. Shalay Isniintii, wuxuu sheegay inuu raacay raadka Aabbihii oo sidan oo kale xilka Ra’iisul wasaaranimada iskaga casilay sannadkii 1984-tii.
Trudeau ayaa markii ugu horreysay soo galay masraxa siyaasadda sannadkii 2008-dii, markaas oo loo doortay xubin kamida baarlamaanka dalkaas, kaddibna wuxuu noqday hoggaamiyaha xisbiga Liberal-ka ah, isagoo xibigan talada dalkaas ku matalayay mudo 10 sano ah.
Sannadkii 2015-kii, wuxuu ku guuleystay xilka Ra’iisal wasaaraha, isagoo si degdeg ah u noqday hoggaamiye taageerro badan ku dhex leh bulshada Canada, taa oo u sahashay guulo badan inuu ka gaaro doorashada, wuxuu sheegay inuu yahay hoggaamiye ka hor yimid ficillada Trump muddo xileedkiisii hore, ee uu talada dalka Maraykanka hayay.
Raisul Wasaarahan is casilay oo Talada dalkaas ku guuleystay doorahooyinkii is xigay ee sanadihii 2019-ka iyo 2021-ka, ayaa markan u arka inuu dorashooyinka soo socda ku guuldaraysan doonin, waxaana arintan loo aanynayaa cadaadisyo badan oo kaga imaanaya dhanka dawladda Maraykanka.