Ra’iisul wasaaraha Yahuudda Benjamin Netanyahu, ayaa Arbacadii shalay ku sheegay wareysi lagu daabacay wargeys ka soo baxa Faransiiska, in ciidamadiisu ay heleen hub casriga ah oo ay leedahay dawlada Ruushka, intii ay ku guda jireen hawlgaladii naflacaarinimada ahaa ee ay ku qabsadeen xarumaha ururka shiiciga Xisbullaah ee koonfurta Lubnaan.
Arrintan ayaa imaanaysa kadib markii wargeys laga leeyahay dalka Mareykanka oo lagu magacaabo, The Washington Post oo soo xiganaya mas’uuliyiin ka tirsan Yahuudda uu sheegay, in Ruushka iyo Shiinaha ay ugu deeqeen Xisbullaah hubka lidka taangiyada, kaas oo loo adeegsaday dagaalka mudooyinkan ka socda Konfurta Lubnaan.
Waxaa xusid mudan in Yahuuddu ay hub aan cadad lahayn ka helaan wadamada Reer-galbeedka, kuwaas oo ay udeegsato xasuuqa dadka abriyada ah ee reer Falastiin, wax kula xisaabsatamayana uu san jirin, dhawaan ayay ahyd markii Maraykanku uu ugu deeqay Yahuudda nidaamka difaaca gantaalada ee THAAD, kaas oo ku kacaya Balaayiin doolar.