Guutada Al-Qassam, garabka militariga ee Xamaas, ayaa hogaaminayay daadka Al-Aqsa iyaga oo ka jawaabaya weeraradaYahuudda ee Gaza, Daanta Galbeed, iyo Jerusalem.
Dhaanka Kale Ra’yi ururin ay samaysay Yahuudda ayaa daaha ka qaaday in 32% dhalinyarada Yuhuudda ah ee dibadda ku nool ay la dhacsan yihiin Xamaas, 36% ka mid ahina waxay aaminsan yihiin in Telaviv ay dhab ahaantii xasuuq ka geysanayso marinka Qaza.
Tani waxay ku timid natiijada sahan ay samaysay Israel Mosaic United Foundation, oo ay u samaysay Wasaaradda Qurbajoogta iyo La-dagaalanka Yahuudda, natiijadiina waxaa daabacay fiidnimadii Isniinta warbaahinta Cibraaniga ah, oo ay ku jiraan Channel 14 ee gaarka loo leeyahay iyo Israel Today wargeyska, halkaas oo lagu tilmaamay inay yihiin “walaac.”
Sahanka ayaa sidoo kale daaha ka qaaday kala duwanaansho weyn oo u dhexeeya dhalinyarada Yuhuuda ah ee ku nool Maraykanka iyo kuwa ku nool wadamada kale ee ku saabsan fikradahooda ku aadan dagaalka lagu xasuuqayo Gaza iyo Xamaas, iyadoo xogta ay muujinayso in 37% dhalinyarada Yuhuuda Maraykanka ah ay dareensan yihiin Xamaas, halka boqolkiiba waxay hoos ugu dhacday 7% Kaliya dhalinyarada wadamada kale.
42% dhalinyarada Yuhuuda ee Maraykanka ayaa aaminsan in Yahuudda ay xasuuq ka geysanayso Gaza, marka la barbar dhigo 9% oo keliya dhalinyarada Yuhuudda ah ee dalalka kale, marka loo eego natiijooyin isku mid ah.
Badankoodu waxay joogaan Maraykanka Sida laga soo xigtay wakaaladda Anadolu, qiyaastii 8.5 milyan oo Yuhuud ah ayaa ku nool meel ka baxsan Dhulka Yahuudda oo ay ku jiraan ilaa 6.3 milyan oo ku nool Maraykanka oo keliya, marka loo eego xogtii u dambaysay ee ay daabacday wakaaladda Yuhuudda Oktoobar 2024.