Saxafiga u dhashay dalka Ingiriiska ee lagu magacaabo Richard Medhurst, ayaa sharaxay khiyaamadii Yuhuuda ay u gaystay shacabka dulman ee reer Falastiin.
Richard, oo ka mid noqday dhalinyarada reer galbeedka ah ee helay baraarugga, oo fahmay dulmiga gumaystaha Yahuuda ay ku haayaan shacabka Falastiin ayaa wada olole ka dhan ah gumaystaha Yahuuda.
Richard Medhurst, ayaa sharaxay khiyaamadii qaxootigii Yuhuuda reer Yurub ay ku sameeyeen Falastiiniyiinta qarnigi hore, ayaa yiri:
” Xusuusta in Yahuuda ka soo jeeda qaarada Yurub ay tagaayeen dhulka Falastiin muddo 40 sano ah ayago aad u tiro badan, waxaana sii laba jibaarmay tiradooda intii u dhexeeysay sanadihii 1917 ilaa 1948, waxaana xilligaas u qaabilay si dhib la’aan ah shacabka reer Falastiin, laakiin intaas ka dib; Yahuuda waxay dhabarka ka toogteen reer Falastiin, ayagoo la wareegay dhulkooda.”
Tan iyo markii uu bilowday xasuuqa ay ka wadaan gumaystaha Yahuuda magaalada Gaza, waxaa soo ifbaxaayay baraaruga bulshooyinka reer galbeedka, kuwaas oo fahmay dulmiga, gumaysiga, iyo xasuuqa ay wajahayaan shacabka reer Falastiin.