Roobab Xooggan oo Sababay Burburka Teendhooyinka Barakacayaasha ee Galbeedka Magaalada Khan Yuunis.

12
0

Roobab xooggan oo ka da’ay marinka Qaza ayaa sababay burburka tobonaan teendhooyin ah, kuwaas oo hoy u ahaa dad barakacayaal ah oo ku sugnaa xeebta deegaanka Al-Mawasi ee galbeedka magaalada Khan Yuunis.

Weriyaha Aljazeera ayaa soo sheegay in biyaha badda ay qaadeen teendhooyinkii iyo agabkii ay ku noolaayeen barakacayaasha, taasoo keentay in boqolaal qoys ay noqdaan  hoy la’aan, marka loo eego xaaladaha cimilo ee ka jirta magaaladaas..

Wargeyska ka soo baxa Ingiriiska ee Financial Times, ayaa war uu kasoo xigtay Hay’adaha  Qaramada Midoobay ku sheegay, in ku dhawaad ​​nus malyuun qof oo ku nool Qaza ay ku sugan yihiin goobo u nugul daadadka, kuwaas oo laga yaabo in ay qarqiyaan qashinka dareeraha ah marka ay roobabku bilowdaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here