Ruushka oo ku Dhawaaqay inuu Gacanta ku Dhigay Magaalada Sudzha ee Xarunta Gobalka Kurusk.

52
0

Ciidamada Ruushka ayaa galinkii dambe ee shalay arbacadii la wareegay magaallo dhacda gobalka Kurusk, magaaladan ayaa ahayd xarun muhiim u ah ciidamada Yukrayn ee ku sugan gobalka.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa ku dhawaaqday, inay dib ula wareegeen Shan magaallo oo kale, kuwaas oo ay gacanta ku hayeen ciidamada Yukrayn oo ku yaalla gobolka Kursk, afhayeenka Kremlin-ka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay, in ay dhamaan gacanta ku hayaan xarumihii cidamada Kiyev haatana ay xaaladu dagan tahay.

Wakaaladda wararka ee Ruushka oo soo xiganaysa taliye ciidan ayaa sheegtay, in ciidamada Ruushka ay gudaha u galeen bartamaha magaalada Sudzha ee gobolka Kursk, taas oo dhabar jab wayn ku ah xukuumada Zelenisky.

Muuqaallo lagu faafiyay baraha internetka ayaa muujinaya askar badan oo katirsan militariga Ruushka, kuwaas oo calankooda ka taagaya fagaare ku yaalla bartamaha magaalada Sudzha .

Magaaladan ayaa ah xarunta ugu muhiimsan ee dhacda gobolka Kursk, waxaana horay gacanta ugu hayay ciidamada Yukrayn tan iyo bishii Agoosto ee sanadkii la soo dhaafay 2024-ka, qabsashada gobalkan ayay Yukrayn ka lahayd istaraatijiyad ay mustaqbalka ku badalan karto dhulka laga haysto ee gudaha Yukrayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here